Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Mareykanka Oo Shuruud ku Xiray Milatariga la Wareegay Awooda Dalka Suudaan.



Wed 24 April 2019.

Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa sharuud ku xidhay hogaanka milaraiga Suudaan, waxuna ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila James ayaa sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan laga saaro liiska dalalka maalgalinta siiya argagixisada ay imaan karto oo kaliya ah waa haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan.

Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.

Dhinaca kale Hoggaamiyeyaasha kacdoonka ka wada Suudaan ayaa dibadbaxayaasha ugu baaqay inay kasoo qeybgalaan dibadbaxyo hor leh kaasoo la doonayo in berito laga dhigo waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Dibadbaxyadan ayaa golaha militariga looga codsan doonaa inay xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Dadweyne badan ayaa bannaanbaxyo ka dhigaya agagaarka saldhigga ugu militariga ee ku yaalla magaalada Kahrtuum.

Dadka dibadbaxa dhigaya waxay ku eedeeyeen militariga inay ka 'hareen' dowladdii hore uu hoggaamin jiray, Cumar Al Bashiir.

Horraan,ururka xirfadlayaasha Suudaan ayaa meesha ka saaray wadahadallo ay la yeelan rabeen hoggaamiyeyaasha militariga si laisku la meel dhigo sidii xukunka loogu wareejin lahaa dowlad rayid ah.
BBC

 



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines