Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dowladda Oo Shaacisay Inay Ciidamo U Diyaarisay Sugida Amniga Muqdisho Bisha Radamaan.



Tue 23 April 2019.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay diyaariyeen ciidamo loogu talagalay sugida Amniga bisha Ramadaan.

Ciidamadan oo lagu soo bandhigay maanta magaalada Muqdisho ayaa qorshohoodu yahay in amniga magaalada Muqdisho ay xaqiijiyaan maalmaha Bisha Ramaadaan oo maqalma qura inaga xigaan.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidamadaas ay gaarayaan ilaa Saddex kun oo askari oo aan wax balwad ah laheyn kuwaas oo dhawaan tababar soo dhameystay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa inta badan marka la gaaro bisha Ramadaan weeraro ka geystay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ay dowladda gacanta ku heyso taasoo keentay in dowladda ka foojignaato.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines