Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Shir Looga Hadlayo Xaaladaha Dalalka Liibiya iyo Sudan oo ka Furmaya Magaalada Qaahira.



Tue 23 April 2019.

Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu wadaa uu maanta ka furmo shir looga arinsanayo qalalaasaha Sudan, waxaana dhinaca shirka uga qeybgalaya Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdulalahi Farmaajo.

Kulanka oo uu soo qaban qaabiyay madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi, sidoo kalena ah guddoomiyaha Midowga Africa ayaa waxaa ka qeyb galaya Soomaaliya, Koofur Afrika Rwanda iyo Chad, kuwaas oo ka tirsan urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka noqon doona xaalada ka soo cusboonaatay dalka Liibiya oo ay ka socdaan dagaallo culus.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in marka laga soo tago shirka guud ee Qaahira waxaa uu shir doceedyo uu la yeelan doonaa  Madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta dalka Suudaan ee ka qeyb galaya shirkan, isagoo la wadaagi doona mowqifka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan garab istaagga iyo taageeridda shacabka aan walaalaha nahay ee Sudan.



16 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines