Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Faahfaahinta Qarax Sababay Dhimasho Oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.



Mon 25 March 2019.

Faah faahin dheeraad iyo warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qarax ku dhacay gaari ay leedahay Jaamacadda SIMAD kaa oo ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay darawalkii guddoomiyaha Jaamcadda oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jeylaani Axmed, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dad rayid ah ku sugnaa maqaaxi ku tiilay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegay in bartilmaaameedku uusan aheyn gaariga Jaamacadda laakiin qaraxu ahaa mid lagu soo xiray gaari ay leedahay waaxda canshuuraha gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa imanaya xili dhamaan Isgoys-yada magaalada Muqdisho ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo xiray dariiqyada iyo wadooyinka halbowlaha u ah magaalada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ka soo baxay dhinaca hay’addaha Amniga oo la xiriira qaraxa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.



18 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines