Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dhul-gariir Xoogan Oo Caawa Ku Dhuftay Qeybo ka Mid Dalka Kenya.



Sun 24 March 2019.

Warbaahinta Kenya ayaa laga soo xigtay in caawa fiidkii qeybo ka mid ah dalka Kenya laga dareemay dhulgariir, kaddib markii uu qadar yar oo kooban dhulku ruxmay.

Gaar ahaan magaalooyinka dhul gariirka laga dareemay ayaa waxaa ka mid ah Nairobi, Kiambu, Machakos, Mombasa, Nyeri iyo Makueni, waxaana cabsi xogan ay soo wajahday shacabka ku nool magaalada Nairobi.

Waaxda saadaasha hawada Kenya ayaa laga soo xigtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ah Nairobi uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka Dhul-gariirka.

Ilaa hadda ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhul gariirkan, cabsi laga dareemayo guud ahaanba magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi Kenya.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines