Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Ciidamada Iran Oo Dhoolatus ka Bilaabay Badda Cumaan.



Fri 22 February 2019.

Dowlada Iiraan ayaa dooneysa in ay ku cabsi galiso Wadamada cadaawada kala dhaxeyso awooda ay leeyihiin ciidankooda kala duwan, waxa ayna Ciidamada Iiraan bilaabeen in ay sameeyaan dhoolotusyo aan caadi aheyn.

Ciidamada Badda ee Iiran ayaa shalay Badda Cumaan iyo marinka Hormuz ka bilaabay dhoolotus la sheegay in uu soconayo mudo isbuuc ah, waxa ayna ciidankan soo bandhigayaan awoodooda iyo sidoo kale maraakiibta dagaal ay heestaan.

Dhoolatuskan ay sameenayaan ciidamada Iiraan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka iyo maaraakiibta dagaalka ee Iran oo uu ku jiro Gujiskii ugu horeeyey oo ay sameysatay dowlada Iran.

Dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Gujiska ay sameesteen uu xambaari karo gantaalada ridada dheer isla markaana uu gunta hoose ee badda ku jiri karo muddo 5 todobaad ah, waana tijaabadii ugu horeysay oo uu maro markabkan dagaal.

Taliyaha ciidamada badda ee Iran Hossein Khanzadi ayaa sheegay in dhoolatuskan uu yahay mid lagu diyaarinayo dhamaan qalabka dagaalka ee wadanka Iran heysto kaasi oo uu sheegay inay ku kooban tahay is-difaacid.

Waxa uu sidoo kale taliyaha sheegay in dhoolotuskan ay ciidankooda sameenayaan uu cabsi badan ku abuurayo cid walbo oo cadaw ku ah Iiraan sidoo kale dooneysa in ay kusoo gardarooto.

Dhoolotuskan ay sameeyeen ciidamada Iiraan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dalka Poland lagu qabtay shir ay soo abaabulaeen Mareykanka iyo Isra’il oo looga hadlayay Qatarta Iiraan, waxaana shirkan ka qeyb galay Wadamada Khaliijka Carabta.



45 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines