Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dowladda Burundi Oo Sheegtay in Gabi ahaanba Ciidamadeeda kala Baxeyso Soomaaliya



Fri 22 February 2019.

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay in ay gabi ahaanba kala bixin doonto ciidamada ka jooga dalka Soomaaliya, iyadoo ka careysan go’aanka midowga Africa uu qaatay ee ah in 1,000 askari oo ka mid ah ciidamadooda Burundi laga saaro Soomaaliya.

Go’aanka ay dowladdu qaatay sidoo kale waxaa taageeray Baarlamaanka dalkaasi Burundi oo sheegay in ay ciidamadooda kala baxayaan Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Burundi,Emmanuel Ntahomvukiye, ayaa baarlamaanka u sheegay in dowladda ay horraan ku waregelisay Midowga Afrika go’aanka go'aankan, Burundi waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidammo gaarayo 5000,

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan booqasho ku tegay magaalada Bujunbura isaga oo kulamo ku saabsan arintan la yeeshay dhiggiisa Burundi.



41 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines