Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dagaalyahano kala Taabacsan Al Shabaab iyo Daacish Oo Dagaal Xoogan ku Dhexmaray Gobolka Bari.



Fri 22 February 2019.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay dagaalyahano kala taabacsan Kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa maanta ka dhacay tuulada Afgaraar oo kutaala dhulka Buuraladeyda ee gobolka Bari.

Dad ku dhaqan deegaano ku dhaw dhaw halka labada dhinac ku dagaalameen ayaa Idaacada VOA u sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiicda iyo hubka culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen.

Dagaalka dhax maray Dagaalyahanada Al Shabaab iyo kuwa Daacish ayaa la sheegay in uu bilowday saakay aroor hore, waxaana deegaanka ay labada dhinac ku dagaalamayeen wali ka jirta xaalad kacsanaan ah.

Waxaa wali adag in la ogaado khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee soo kala gaaray labada koox ee ku dagaalamay dhulka Buuraha ee kuyaala gobolka Bari, waxaana ka barakacay aaga lagu dagaalamay shacabkii kunoolaa.

Deegaanka dagaalka ku dhax maray Al Shabaab iyo Daacish ayaa kuyaala dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso qiyaastii 80 km, waxaana horey dhulkan buuraha labada koox ugu dhax maray dagaalo dhiig badan ku daateen.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines