Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Kenya Oo Sheegtay Inaysan Somaliya Uga Tanaasuli doonin Biyaha Badda Lagu Muran-sanyahay.



Thu 21 February 2019.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in dowladda Kenya marnaba diyaar u aheyn waqtigan in ay uga tanaasusho dowlad kasta ha ahaatee taako ka mid ah dhulkeeda, gaar ahaan marka la eego dhul baddeedka lagu muransan yahay.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Uhuru Kenyatta ayaa maanta shir guddoomiyay kulan golaha Wasiirrada oo qeyb ka mid lagu soo qaaday khilaafka labada dowladdood.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka doonayaa faah faahin ka badan jawaabta ay ka bixiyeen cabashada Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kooban ka bixisay cabashada dowladda Kenya gaar ahaan shirkii 8dii bishan lagu qabtay magaalada London oo ay Kenya sheegtay in lagu beec-geeyay shidaalka ku jira qeyb ka mid ah xadduud baddeedka lagu muransan yahay.

Kenya ayaa Sabtidii aynu soo dhaafnay sheegtay in ay xiriirkii Diblomaasiyadeed u jartay dowladda Soomaaliya iyadoo dalkeeda ka soo saartay safiirkii Soomaaliya una yeeratay safiirkeedii ka joogay Muqdisho.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines