Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Biixi Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir.



Mon 21 January 2019.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Somaliland oo ka samaysan bir.

Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa islamarkaana sii horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi.

Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya.
Wa-bilaahi Tawfiiq



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines