Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Qaramada Midoobay Oo 10 Askari Looga Dilay Weerar ka Dhacay Mali.



Mon 21 January 2019.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in weerar ka dhacay Dalka Mali lagu dilay ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ka jooga dalkaasi,kuwaasi oo u dhashey dalka Chad.

Kooxo hubaysan oo loo malaynaya kooxaha argagixisada dalkaasi Mali ee Tuwariq ayaa weerar ku qaaday xero ay deganyihiin ciidanka QM ee kutaala magaalada Aguelhok ee dalkaasi Mali waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 25 askari oo kale kuwaasi oo ka soo jeeda isla dalka Chad.

Howlgalka Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ee dalka Mali oo bilowday sanadkii 2013 ayaa loogu talagalay in loogaga hortago fiditaanka kooxaha xiriirka la leh Alqaedada Maghreb ee gudaha dalkaasi,kuwaasi oo weeraro ku soo qaada inta badan xarumaha ciidanka nabad ilaalintu ay degan yihiin.

Warbaahinta dalkaasi Mali ayaa tabainaysa in maleeshiyaadka argagixisada ay sheegteen mas’uuliyadda weerarkaasi lagu dilay askar ka tirsan QM.

Maleeshiyaadka Tuwariq ayaa inta badan Waqooyiga dalkaasi qabsaday sanadkii 2012 ,balse waxaa looga saaray howlgal military oo uu hoggaaminayay dalka Faransiiska.

Waxaa dalkaasi Mali loo daad gureeyay ilaa 15,000 kun oo isugu jira ciidamo iyo shacab,kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka QM ee dalkaasi Mali,waxaana dowladdu ay dadaal ugu jirtaa sidii looga saari lahaa meelaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxahaasi.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines