Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Somaliya Oo ka Hadashay Baadhitaan Lagu Sameeyay Nin Ajanabi ah Oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho.



Mon 21 January 2019.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ka hadlay nin ajnabi ah oo laga shakiyey oo sabtidii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Oomaar oo wareysi siiyey VOA, ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu yahay nin ajnabi ah oo gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo, balse uusan shegei karin dhalashadiisa ilaa laga soo geba gebeeyo baaritaan ku socda.

Si kastaba Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu kasoo jeedo dalalka reer galbeedka, islamarkaana u safrayey mid ka mid ah dalalka Yurub, isaga oo raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines.

Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon.
 
Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa.

Oomaar ayaa dhinaca kale sheegay in ammaanka garoonka uusan marnaba halis galin islamarkaana ninkan lagu qabtay bartii ugu horreysay ee baaritaan, ayada oo baaritaano kale ay u dhinnaayeen.

Hoos ka dhageyso.

 



75 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines