Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Kenya Oo Shaacisay Magacyada Iyo Sawirada Rag lala Xiriirinayo Weerarkii Nairobi Oo Lagu Raad-joogo.



Mon 21 January 2019.

Booliska Kenya ayaa ka codsadey dadweynaha dalkaas inay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa 6 nin oo Kenyan ah, kuwaasoo la tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit ee magaaladda Nairobi.

Dad ka badan 20 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo ay fuliyeen dabley ka tirsan Al-shabaab oo qaraxyo iyo weerar toos ah ku galay hotelka oo dad badan ay joogeen.

Magacyada ragga lala xiriirinayo ee Booliska Kenya baadi goobayaan ayaa lagu kala magacaabaa:-

1- Didu Maxamed Fujija (Duktur),

2- Xuseen Aadan Xuseen (Etto)

3- Qadaafi Munene,

4- Cabdi Cali Kanjora,

5- Boru Cabdi Bidu

6- Ramadaan Waariyo Bonaya “Rasho”.

Sida uu qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa dalka kenya raggan oo ka soo jeeda Magaaladda Isiolo ayaa Al-Shabaab ku biiray labo sano ka hor, gudaha dalka Kenya ayeyna haatan ku sugan yihiin.



82 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines