Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Meydadka Afar Nin Oo Caawa Lagu Arkay Duleedka Degmada Dayniile.(Sawiro)



Sun 20 January 2019.

Maydadka afar nin oo aan la aqoonsan ayaa lagu arkay caawa salaada Maqrib kadib duleedka degmada Dayniile gaar ahaan meel ku dhaw garoonkii Diyaaradaha Dayniile, kuwaasoo la ogayn wali waxa ay yihiin iyo cida dishay.

Dad deegaanka ee arkay meydadka afartan qof oo rag ah ayaa kusoo war galiyay laamaha amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana goobta lagu arkay meydadka gaaray ciidamo katirsan nabad sugida iyo booliiska Soomaaliya.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Dayniile ayaa noo sheegay in laamaha amaanka hada baarayaan meydadka lasoo dhigay duleedka degmada Dayniile, waxaana goordhawd loo qaaday maydadkan xarunta denbibaadhista ee CID ee magaalda Muqdisho.



78 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines