Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Wariyeyaal ka Tirsan Wasarada Warfaafinta Somaliland Oo Lagu Ciqaabayo Qolaalo ay Soo Dhigeen Baraha Bulshadda.



Sun 20 January 2019.

Wariyayaal ka hawlgalla wasaarada warfaafinta Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay baraha bulshada wax ka dhan ah xukuumada ku qoreen, qaaar kalena Like ama Comment ama share ku sameeyeen qoraallo.

Wariyeyaashan ayaa maanta u yeedhay guddida anshaxa ee wasaaradda warfaafinta, waxaanay su’aallo ka waydiiyeen ujeedada ay qoraalo ay qoreen uga jeedeen, halka kuwo kalena wax laga waydiiyey qoraalo durayo xukuumadda ugu sameeyeen Like ama share.

Wariyeyaasha maanta guddida anshaxa ee wasaaradda la kulantay waxa ka mid ahaa Cabdicasiis Maydhax, Mubarak Cabdi Yuusuf,Muna Ibrahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed Muuse, Saciid Cagjar iyo Nuura Maxmed Nuur.

Waa markii ugu horeysay ee wariyeyaal wasaarada ka shaqeeya wax laga waydiiyo qoraalo ay soo dhigeen baraha bulshada ee ay isticmaalaan, waxaana la sugayaa go’aanka ka soo saaraan guddida anshax marintu.



51 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines