Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Nin Maraykan ah Oo Laga Shikiyay Allaabo Uu Watay Oo Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.



Sun 20 January 2019.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey.

Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines.

Sida ay ilo-wareedyo, lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in boorso uu watay ninkan laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa, lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa.

Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo.

Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax faah-faahin ka bixin arrintan.



49 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines