Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Kenya Oo ku Dhawaaqaday Inay Hubayn-doonto Ganacsatada Waawayn Ee Dalkaasi.



Sun 20 January 2019.

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay ganacsatada dalkaas, u hubeyn doonto ilaalada gaarka ah ee xarumaha ganacsiga,ee aan hub haysan la siin doono, kadib weerarkii talaadadii ka dhacay Hotelka DusitD2 ee xaafada Riverside ee Nairobi.

Go’aankan ayaa durba waxaa shaki ka muujiyey dad badan, ayaga oo sheegay in tani ay keeni karto halis kale oo ah in ilaada ay hubka si qaldan u adeegsadaan kuna waxyeeleeyaan shacabka.

Howlgalka ay ciidamada amniga kenya uga falceliyeen weerarkaan ayaa qaatay 18 saac waxaana ku dhintay 21 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka xiriirna la leh ururka al Qaacida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan.

Agaasimaha waaxda ilaalada amniga gaarka ah Mr Fazul Maxamed ayaa sheegay in la hubeyn doono waardiye yaasha si ay u sugaan amniga dadweynaha.

Balse waxaa tababaro iyo dib eegis lagu sameyn doonaa goobaha u baahan iyo mushaarka ay qaataan waardiye yaasha si uusan dhib uga dhalan mustaqbalka Fog.

Weerarkii talaadada ayaa waxaa kaloo ku dhintay laba nin oo ka mid ahaa ilaalada aan hubeysneyn ee ku sugnaa dhismaha la weeraray.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sanadihii la soo dhaafay uu sii kordhayay baaqa loo jeedinayo xukuumada kenya ee ku aadan in ay hubka u sharciyeyso ilaalada xarumaha iyo shrikada Ganacsi.

 



79 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines