Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Britain Oo Mareykanka ka Dalbatay Inuu ka Noqdo Go’aankii Uu ka Qaatay Somalia.



Sun 20 January 2019.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanka ay ka qaaday Soomaaliya kaasi oo la xiriira inay dhimeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya.

Kadib weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu dhimayo ciidamada kaga sugan Soomaaliya.

Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-bar  dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda  ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia.

Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia.



73 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines