Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Itoobiya Oo War Ka Soo Saartay Isku Dhacyo Dhex Maray Beesha Ciise Iyo Camfarta.



Sat 19 January 2019.

Dawlada Itoobiya ayaa ka hadashay dagaalo todobaadyadii ugu dambeeyey dhexmaray beelaha Ciise Iyo Canfarta.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Itoobiya ee Fana, dawlada ayaa sheegtay in lagu hawlan yahay sidii nabad waarta loo dhex dhigi lahaa bulshooyinka Ciise iyo canfarta oo dagaalo ku dhex mareen murano la xidhiidha dhinaca xuduuda kuwaas oo saamayn weyn ku yeeshay xaalada Itoobiyada.

Isku dhacyadan ayaa sababtay inuu xidhmo jidka isku xidha wadamada Itoobiya iyo Jabuuti taas oo sababtay in shiidaal la,aani soo foodsaarto wadanka Itoobiya.

Masuuliyiin ka kala socda dawladda Federaalka iyo labada ismaamul ayaa ku hawlan sidii xasilloonida loo soo celin lahaa loona hirgelin lahaa nabad waarta.

Madaxweyne xigeenka gobolka Soomaalida Itoobiya Md Aadan Faarax ayaa sheegay in kulamo ay la qaateen madax dhaqameedka beesha Ciise, dhallinyarada, haweenka iyo waxgaradka islamarkaasina ay isla qaateen in nabadda la ilaaliyo lagana fogaado wixii khilaafaad ah.

Waxa uu sheegay in jidka isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya oo qalalaasaha u xidhmay dib loo furay Khamiistii ilaa haddana uu si caadi ah u furan yahay lana isticmaalayo.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in wada jir looga shaqeeyo nabada wixii khilaafaad ahna laga fogado si loo soo celiyo isku xidhnaanta labada bulsho iyo nabad ku wada noolaanshaha.



69 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines