Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dad loo Xiray Weerarkii ka Dhacay Magaalada Nairobi Oo Maxkamad Lasoo Taagay.



Sat 19 January 2019.

Ilaa Shan ruux oo u badnaa Taksiilayaal la sheegay in ay xiriir la lahaayeen kooxdii weerartay Talaadadii aynu soo dhaafnay Hotelka DusitD2 ayaa ka soo muuqday maxkamad.

Mid ka mid ah shanta ruux oo heysta dhalashada Canada ayaa la sheegay in uu xiriir la lahaa kooxdii weerarka fulisay, waxaana magaciisa lagu sheegay C/xakiim Mohamed Guled.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska Kenya ayaa shaaciyay magaca shaqsigii isku qarxiyay hotelka ee bilaabay weerarka kaasoo lagu magacaabo Mahir Khalid, oo ka soo jeeda magaalada Mombasa

Waxaa la sheegay in Maahir uu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhamaanba la khaarajiyay raggii ka danbeeyay weerarka ee gudaha u galay dhismaha, hasse ahaatee dowladdu ilaa iyo hadda ma sheegin sida ay ugu sahlanaatay in raga ay gudaha u gallaan dhismaha.



43 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines