Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Xaaska Iyo Aabaha Dhalay Ninkii Isku Qarxiyey Huteelka DusitD2 Oo Gacanta Lagu Dhigay.



Sat 19 January 2019.

Ciidamada la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay afada Maahir Khaalid oo isku qarxiyay hotelka Dusit ee magaalada Nairobi.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay xaafada Bakarani, ee ismaamulka Mombasa, ee gobolka xeebta sida uu booliska sheegay.

Waxaa sidoo kale ay ciidanku xireeen khaalid Riziki oo ah aabaha dhalay wiilkaan,waxaana su'aalo lagu weydiinayaa saldhiga ciidanka booliska Majengo.

Xarigaan ayaa imaanaya iyadoo baaritaano ay sameeyeen ciidanka booliska lagu ogaaday in maahir uu ahaa ninkii isku qarxiyay afaafka hore maqaayada hotelka oo ay ku dhinteen dad badan.

Dowlada Kenya ayaa xaqiijisay in dhamaan la dilay lixdii dagaalyahan ee ka danbeysay weerarka.



46 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines