Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Reer Awdal Oo Dareeno kala Duwan ka Bixiyay Shaacinta Shirka KULMIYE Ee Boorama Lagu Qabanayo.



Sat 19 January 2019.

Dadwaynaha reer awdal ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay shirwaynaha golaha dhexe ee Xisbiga kulmiye uu shaaciyay in lagu qaban doono magaalada Boorama, waxaana hadalhaynta ugu badan ay kusoo ururayeen sadax qodob.

Ujeeda laga leeyahay in maanta shirka xisbiga kulmiye lagu qabto Boorama iyo waxa waqtigan kusoo beegay ay tahay, waa tan koowaade in indhaha bulshada laga leexiyo xiisadda u dhexeysa booliska iyo shacabka ee hadhi wayday iyo mid kale oo ah in siyaasiyiinta hanka ka qaba hogaanka xisbiga lagaga takhalusayo, tan sadaxaad ayaa lagu sheegay in xisbiga Kulmiye gobolka Awdal ka kasbado shacbiyad badan
 
Shaacinta shirweynaha Kulmiye ee lagu qabayo Boorama waxay daaran tahay in bulshada reer Somaliland laga mashquuliyo xiisadaha cakiran ee ka taagan dalka, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayay eedaymo loo jeedinayay booliiska xukuumada kulmiye, isla markaana bulshadu iswaydiiso su’aalaha ka dhalan doonna shirkan oo ay ka mid yihiin: maxa Boorama loola doontay, maxa ka soo bixi doono.

Talabaad, sababta Hargeysa oo awalba lagu qaban jirey looga daayey waxay tahay si rag waaweyn loo tukhaantukhiyo oo KULMIYE wuu iska yaqaana marka uu raga gawracayo inuu la fogaado shirweynaha, oo Siilaanyaba waagii uu odayaashii waaweyna hawada u dirayey waa kii Burco la tagay, ee dariiqa qulquleen Cabdiraxmaan Aw cali, Ibraaham Dhego weyne, Cadami, siciid Cilmi Rooble, Abgaal iyo rag kale oo badan, khilaaf walba cid baa ka faa’iidee arrintaasi waxa fursad fiican ka helay waagaasi Muuse Biixi oo wakhtigaasi Siilaanyo ugu hanjabay inuu ragaasi raaci doonno hadii isna lagu wareejin xisbiga marka uu madaxweyne noqdo, Siilaanyo waa kii aqbalay ee sidii madaxweyne Biixi salaanka madaxtinimo ku soo fuulay.

Arinta sadaxaad ee looga golleeyahay qabsoomida shirka Boorama ayaa ah in uu xisbiga KULMIE damacsan yahay in doorashooyinka Mustaqbalka uu cod kaga kasbado gobolka Awdal oo ah goobta kaliya ee lagaa guulaystay dorashooyinkii dalka ka qabsoomay oo dhan, shirkana uu sababai karo in reer Awdal la tuso in xisbigu yahay xisbigoodii mustaqbalkana ay u codeeyaan.

Waxa intan dheer oo ay rayul caamkale oo reer Borama ah qabaan in dulucdu ay tahay in Xisbiga loo helo taageero dheeraad ah oo uu kaga maarmo codka GARXAJISKA reer WADANI ee isku raacay mucaaradada, taasna ay sii adkayso in xisbigan JEEGAANTA ee laba geesoodka ah laga dhigo mid SEDEX XAGAL ah oo reer Awdal lagu samirsiiyo inay ku xigeen u tartamaan sida caadiga ah hadaba, codkana ay siiyaan kulmiye marka la gaadho doorashada. dhinaca kale e arintana ayaa waxa jira dareen odhanaya in MUUSE damacsan yahay in uu Jeegaanta ka takhaluso oo badalkeeda uu reer Awdal soo jiito si uu xisbigu uga soo kabto fadeexadaha ka soo gaadhay Jeegaanta iyo iskaasiggeeda.

Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa waxa uuku soo beegmayaa waqti ay reer Awdal isku waafaqi la'yihiin in ay si mug leh oo midaysan uga hadlaan saamiga dhinaca kuraasta baarlamaanka ah ee ka maqan, waxana shirkan loo suuraysan karaa mid looga gol leeyahay in lagu wiiqo midnimada beelaha gobolka Awdal si mar walba loo helo cid u taagan Qaybi oo xukum, cadka ka soo hadha Jeegaanta iyo Beelaha dhexena kolba gacmaha hoos hoorsada

Doorkan waataas lala fogaaday waxaynu sugnaaba waa rag waawayn oo iska hulayli doona, waana iska caado in mar kasta oo kulmiye shirweyne qabsado inuu rag waaweyni muraaro dilaac guryaha hoosta ka soo xidhaan oo shalayba ragbaa masaajidkoodii dib ugu soo noqday oo khudbadii jicmaha akhriyaayey.

Maxamed Bili bili



37 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines