Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Masuul ka Tirsanaa Maamulka Degmada Hawl-wadaag Iyo Nin la Socday Oo Lagy Dilay Muqdisho



Sat 19 January 2019.

Rag hubeysan ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dilay magaalada Muqdisho mas'uul ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag iyo Nin dhalinyaro ah oo la socday

Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal)  oo ah marxuumka la dilay ayaa ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Howl-wadaag waxaa toogasho dilay dhalinyaro hubeysan oo sidoo kalana toogasho ku dilay Nin dhalinyarro ah oo sida la sheegay la socday guddoomiye waaxeedka.

Dableyda dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableyda dilka geystay oo Biskoolado ku hubeysnaa.

Dilkan ayaa imaneya xili sidoo kale kooxo hubeysan toogasho ku dishay guddoomiyihii ururka dhalinyarrada degmada Hodan oo lagu magacaabi jiray Sakariye Hadaafoow.



51 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines