Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Trump Oo Jawaab Kulul ka Bixiyay Eedeymo loo Heysto.



Sat 19 January 2019.

Donald Trump Madaxweynaha wadanka Mareykanka ayaa ka jawaabay war laga baahiyay oo ahaa in uu isaga bixiyay amar looga been abuurayay Congresska Mareykanka,wuxuuna iska fogeeyey eedeymahaasi oo ahaa in uu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen in macluumaad been abuur ah uu la wadaago Congresska.

Warar ay baahiyeen warbaahinta ayaa lagu sheegay in Trump uu Qarankiisa faray in uu ka been sheego qorshe uu damacsanaa ee ahaa in magaalada Moscow uu ka dhisayo Trump Tower,taasi oo keentay in kiiskaasi uu dhaliyo jahwareer,waxaana daabacday warbaahinta Buuzzfeed.

Donald jey Trump ayaa waxaa uu sheegay in qareenkiisa uu ka been sheegay mashruucii uu ka fulinayay Ruushka,si buu yiri loo dhimo waqtiga uu ku qaadanayo xabsiga.

Xubno sar sare oo k atirsan Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baari doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed,si loo wajoho xaaladda dhabta ah loona helo macluumaad ku saabsna sida ay wax u jiraan,balse waxaa soo baxaya in ay jiraan cadeymo ku aadan warkaasi laga faafiyay Trump.

Wararka qaar ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka uu 10 jeer xogo khaas ah oo la xiriira dhismahaasi ka heley qareenkiisa Cohen,blasé Trump wuu diiday in xiriir ganacsi uu la wadaago dalka xifaaltanka kala dhexeeyo ee Ruushka.



74 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines