Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xil ka Qaadistii iyo Magacaabistii Ugu Horeesay Sameeyay.



Sat 19 January 2019.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen ayaa sameeyay xil ka qaadistii iyo magacaabistii ugu horeesay tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo caleemo saaray.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii gobolka Baay Cali Wardheere Cabdiraxmaan , waxaana xilkaasi loo magacaabay Gudoomiye cusub oo lagu magacaabo Saadaad Maxamed Nuur Caliyow.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa maalmaha soo aadan in sidoo kale sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis, waxaa sidoo kale Madaxweynaha laga sugayaa in uu soo dhiso golle Wasiiro.



41 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines