Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Kenya: Gudoomiye Gobol Oo Amray In Qaxootiga Soomalida Ee Ku Nool Gobolkiisu Ka Baxaan.



Sat 19 January 2019.

Guddoomiyaha gobolka Tana river ee dalka Kenya Dado, ayaa ku amray Soomaalida ku sugan gobolkaasi inay isaga baxaan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka kadib markii uu ka carooday, waa sida uu sheegee, weerarkii ka dhacay Nairobi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa.

Dado Kodhana ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu hadda amaan yahay, islamarkaana uu ku amrayo Soomaalida inay dib dalkooda ugu laabtaan.

Wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya inay halis ku yihiin amaanka dalka kenya, waxaana uu sheegay in la gaaray waqtigii ay ku laaban lahaayeen dalkooda.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidmada AMISOM ay wax badan ka qabteen xaaladda guud ee amaanka dalka Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in hadalkiisa uusan ku wajahneyn dad gaar ah oo uu ula jeedo dhamaan SOomaalida ku nool dalka Kenya.

Marka laga yimaado in Al Shabaab sheegteen weerarka, waxaa dadka ugu badan ee weerarka ka dambeeyay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ku biiray 2011 ilaa 2015.



73 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines