Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dawlada Oo Sheegtay Inay Cadaadis Kala Kulantay Go'aankii ay ka Qaadatay Khulaafkii Wadamada Khaliigka.



Wed 16 January 2019.

 Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS  dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka.

Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda, islamarkaana uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii ay la lahaayeen dalalka Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia.

Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono.



75 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines