Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliyaha Xoogga Dalka Oo la Kulmay Saraakiil Uu Horkacayey Gen. Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliya(Sawirro)



Wed 16 January 2019.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Gen. Esa Pulkkinen oo ah Madaxa midawga yurub EU-TM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Jen. Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in ujeedada uu u yimid Gen. Esa Pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Taliyaha iyo saraakiila midowga Yurub ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya.

Indhaqarshe ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga Yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoo ka codsaday iney sii xoojiyaan taageeradaas.



83 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines