Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Taliska Maraykanka Ee Africom Oo Sheegay Inay Duqayn ku Dileen 37 Dagaalyahano ka Tirsan Alshabaab.



Tue 20 November 2018.

Deegaannada la aaminsan yahay in ay ku xoogan yihiin Al Shabaab ayaa lagu dilay 37 ka tirsan dagaalyahanada Alshaab duqaymo dhinaca cirka oo ay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Soomaaliya ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Duqayntan khasaaraha gaysatay ayaa waxa sheegtay Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa waxaana war saxaafadeed ay soo dhigeen bartooda tweentarka ay ku sheegeen in hawlgalkan uu u fulay sidii lo qorsheeyay, islamarkaana ay 27 dagaalyahan ku dileen duqaynta hore oo laga fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere halka ay 10 kale kaga dileen degaano kale oo la bartilmaameedsaday.

Sheegashada taliska Mareykanka ayaa imaneysa iyadoo shalay weerarro cirka ah laga soo sheegay in ay ka dheceen deegaanno hoos taga degmada Xaradheere.

Ilaa hadda ma jiraan ilo madaxbanaan oo sheegaya khasaare ka duwan kan Maraykanku sheegay, sidoo kale Al-shabaab-na dhinacooda kama aysan hadal warka ku saabsan duqeymahan.

Dhinaca kale warbaahinta dawlada ee radio muqdisho ayaa xaqiijisay in weeraradan ay ahaayeen labo weerar oo kala denbeeyay oo lagu qaaday deegaano ka tirsan gobolka Mudug, halka dadka deegaankuna ay sheegeen inay maqlayeen jugag waawayn oo ah duqayn.

Ma’aha markii ugu horeysay ee Mareykanku weeraro cirka ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya haba ugu badnaadaan kuwo Koonfurta dhaca, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo.

halkan ka Akhriso warsaxaafadeedkan.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines