Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dhaxal-sugaha Sucuudiga MbS Oo Mucaaradad Xilka Lagaga Xayuubinayo Kala Kulmay Qoyska Reer Boqor.



Tue 20 November 2018.

Wixii ka dambeeyay fadeexadihii hadheeyay boqortooyada ee ka dhashay dilkii wariye Jamaal Khashoggi ayaa qaar ka mid ah xubnaha qoyska reer boqorka Sucuudi Carabiya waxa ka muuqata cadho, waxana suuragal ah inay ay isku dayayaan in ay ka hor istaagaan Amiirka  leh dhaxalka Boqortooyadaas ee Mohammed bin Salman in uu noqdo boqor, sida ay xaqiijiyeen  saddex ilo wareed oo  ku dhow maxkamadda boqortooyada.

Amiiro tirobadan iyo xubno kale oo ka soo jeeda qoyska Awooda badan ee reer Al Saud ayaa doonaya in ay arkaan isbeddel ku yimaada habka dhaxalka hogaanka boqortooyada, laakiin hamigoodan ayaa ah mid u muuqda in aanu shaqayn doonin inta uu Boqor Salman – oo ah aabaha dhaxalsugaha ay saluugsan yihiin uu nool yahay. hay, ilo ayaa sheegay. Waxana  ay dareensan yihiin in boqorka uusan u doonayn inuu ka hor tago wiilkiisa uu jecel yahay, wiilkaas oo reer galbeedku u yaqaanaan MbS.

Tan badalkeeda, waxa ay xubnaha qoyska reer Boqor ee isbedelka doonayaa  tirade ku darsadeen suurtagalnimada in la helo xubnaha kale ee qoyska reer Boqor ah oo lagu kalsoonaan karo oo boqorka dhaxasha, kadib dhimashadiisa, waxana ay u muuqdaan kuwo mudnaanta siinaya  Amiir Ahmed bin Abdulaziz, oo da’diisu tahay 76 jir ah, oo ah Amiirka kaliya ee nool ee ay walaalo yihiin boqor salmaan, adeerna u ah dhaxalsuge MbS in uu noqdo boqor, sida laga soo xigtay ilo-wareedyo Sucuudi ah.

“Amiir Ahmed, waa walaalka kaliya ee nool ee Boqorka Salman ay isku hooyo iyo aababa yihiin, waxa uu taageero ka haystaa xubnaha qoyska reer Boqor, Lamaaha aminiga ee boqrtooyada iyo qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka ee awooda badan” sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

 
Amiir Ahmed ayaa ku doo laabtay Riyadh bishii Oktoobar ka dib laba bilood iyo badh uu ku maqnaa safar dibada ah, waxana intii uu safarkan ku guda jiray uu warbaahinta ka soo muuqday isaga oo cambaaraynaya hogaanka Boqrtooyada, mar uu u jawaabayay, didab-baxayaal ku hor mudaharaaday dhisme uu ka daganaa magaalada London, oo ku qaylinayay hadalo ay ka mid yihiin Boqortooyadu ha hadhacdo, waxana uu Amiir Axmed ka mid ahaa 3 xubnood  oo ka tirsan golaha Shuurada—Golaha Wakiilada—ee Boqortooyada oo ka soo horjeesatay in uu MbS noqdo dhaxal suge,  sanadkii 2017kii.

Saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka ayaa usbuucyadii la soo dhaafay ku wargeliyay la taliyeyaasha Sucuudiga in ay taageeri doonaan Amiir Ahmed, oo wasiir ku xigeenka wasaarada Arimha gudaha ahaa muddo ku dhow 40 sanadood, sida laga soo xigtay ilo  wareed Sacuudi ah oo ka agdhow xayndaabka wadatashiyada reer Boqor.

Ilowareedyadan ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in Amiir Ahmed uusan wax isbeddel ah sameynin ama qorshayaasha dib-u-habeeynta dhaqaalaha iyo bulshada ee uu dajiyay Amiir Maxamed bin Salmaan, sidoo kalena uusan ka bixi doonin qandaraasyoda  hubka milatariga lagu soo gadanayo ee hada la saxeexay, qoyska reer boqorna uu midayn doono.


si kastaba ha haatee si la mid ah sida boqortooyooyinka reer galbeedka, mida ka arimisa Riyadh ma laha hab-raac muuqdo oo muujinaya cida kolba iska leh dhaxalka, waxana ay wax walba oo arimaha dhaxalka hogaanka boqortooyada ah qoyska reer Boqok ku dhamaystaan hab dhaqameed soo jireen ah, oo aan laga faaloon Karin in booskan ugu awooda badan Jasiirada Carabta uu u dayn doono MbS iyo in uu mar kale ku wareejin doono Amiir Axmed.



27 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines