Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Toogasho ka Dhacday Isbitaal kuyaala Dalka Mareykanka.(Sawiro)



Tue 20 November 2018.

Nin hubeesan ayaa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac ka geestay gudaha isbitaal kuyaala magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa sheegay in ninka hubeesan oo magaciisa lagu sheegay Juan Lopez gudaha Isbitaalka ku dilay labo ruux oo kamid ahaa shaqaalaha isbitaalka iyo sargaal katirsan booliiska kahor inta isna aan la toogan.

War kasoo baxay booliiska magaalada Chicago ayaa lagu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan toogashadan ka dhacday gudaha isbitaalka iyo sababta keentay.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa inta badan ka dhaca toogasho ay geestaan dad hubeesan, waxaana toogashada dalkaasi kusoo badaneysa sabab looga dhigay hubka shacabka gacanta ugu jira.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines