Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Dagaal Mar kale Dib Uga Qarxay Magaalada Xudayda Ee Dalka Yeman.



Tue 20 November 2018.

 

Dagaal ayaa Isniintii dib uga qarxay magaalada dekedda leh ee Yemen ee Xudayda xilli ay socdaan dadaallo ku wajahan sidii xabad joojin loo gaari lahaa.

Saraakiisha milatariga Yemen ayaa ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta ee Iran ay taageerto inay rasaas ka billaabeen qeybta bari ee magaalada. Ciidamada dowladda taageera iyo xulufada Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa iyagana ku jawaabay duqeymo.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Yemen ayaa ku eedeeyey Xuutiyiinta inay gantaalo ku rideen dalka Sacuudiga, balse uu ku guul-darreystay inuu gaaro Sacuudiga oo ku dhacay gudaha Yemen.

Weli ma jiro wax war oo kasoo baxay Xuutiyiinta oo dagaalka la xiriira, balse waxay Isniintii sheegeen inay joojinayaan gantaalada ay ku weeraraan Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay u hogaansami doonaan baaqa QM ee xabad joojinta, haddii Sacuudiga “ay nabad doonayaan”

Sacuudiga iyo xulafadooda Imaaraadka Carabta aya toddobaadkii tagay sheegay inay soo afjari doonaan dagaalka Xudayda.

 



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines