Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Guddigii Nabadaynta Ee Dhaqaale La’aanta Mudada Ugu Xanibnaa Hargeysa Oo Galabta Gaadhay Ceel-afweyn.



Mon 19 November 2018.

Guddigii culimada ahaa ee nabadaynta Ceel-afweyn ayaa waxa ay goor dhawayd gaadheen magaalada Ceel-afweyn, sidoo kale ergooyinka beelaha ayaa iyaga la filayaan inay soo gaadhaan deegaanka.
 
Guddiga nabadaynta Ceel-afweyn ayaa in muddo ah u xanibnaa dhaqaale la’aan sida uu sheegay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.

Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo dhawaan ka qayb-qaatay Dood Mudanayaasha Golaha Guurtidu ka yeesheen Xaaladda Somaliland ku sugan tahay ayaa waxa uu yidhi “illaa maanta guddigii culimada waxa ay la bixi laadahay dhaqaale la’aan, balaayo afka laga dhawro, in ummad dhan nabad-galyadooda dadkii ka shaqaynayay ay dhaqaale la’aan u bixi waayaan waa ayaan-darro meesha taalla” ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan.

Guddigan ayaa galabta gaadhay degmada Ceel-afweyn ayaa la filayaa inay toos u bilaabaan hawlihii qabyada ahaa iyo inay dadkii u kala xaqaan

 



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines