Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Injineerada Dhismaha Dekedd ay Dadka Degaanka ka Wadaan Garacad Oo soo Gaadhay Gobolka Mudud.(Sawiro)



Mon 19 November 2018.

Injineero u dhashay dalka Turkiga ayaa maanta gaaray deegaanka Garacad ee gobolka Mudug,halkaas oo markii ugu horreysay ay ka billaabanayso dhismaha deked.

Dekedda Garacad oo howsha dhismaheeda ay muddo socotay ayaa lagu wadaa dabayaaqadda toddobaadkan in si rasmi ah loo billaabo dhismaheeda, dekedda waxa ay ku dhismeysa isku tashi bulsho, sida ay sheegeen guddiga dhismaha dekedda.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo TTN ,ayaa ku guulaysatay tartankii qandaraaska waxayna hadda bilowday in ay qalabkeedii uu daabusho Garacad.

Guddiga ku howlan dhismaha dekedda ayaa rajo wanagsan ka muujiyay dhismaha dekedda.

 



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines