Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

"Ma Jirto Cid Sharciga Ka Wayn"...Boqorka Sacudiga Oo Qudbadiisa Sanadlaha kusoo Hadal Qaadin Dilkii Khashoggi.



Mon 19 November 2018.

Boqor Salmaan-ka dalka Sucuudiga ayaa maanta qudbad sanadle ah u jeediyay Baarlamaanka dalkaas, waxana uu diirada ku saaray arimaha Cadaalada iyo dagaalka dalka Yemen.

Boqorka ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay laamaha cadaalada ee dalkaas waxana uu yidhi “Ma jirto cid sharciga ka wayn, mana jirto cid cadaalada ka baxsan karta hadii ay dalka dambi ka gaystaan”

Boqorka ayaa sidoo kale iska indha tiray duqaymaha uu dalkiisu ka gaysanayo dalka Yemen, waxan uu beesha caalamka ugu baaqay in la soo afjaro dagaalka dalkaas Yaman ka socda mudada dhawrka sano ah.

Boqor salmaan ayaa ka gaabsaday in uu soo hadal qaado fadeexadihii ka dhashay dilkii Jamaal Khashuqji ee dalkiisa hadheeyay, waqti ay dalal badan oo xulafo la ahi ka dalbanayaan in cadaalada la hor keeno, cidii ka dambaysay dilka wariyahaas.

Khudbadan boqorka Sacuudiga  ayaa ku soo beegmaysa waxyar kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibbada Jarmalka Heiko Maas uu ku dhowaaqay in laga mamnuucay in dalka Jarmalka ay soo galaan kooxdii ka koobneyd 18ka kuwaasoo lala xiriirinayo dilka Jama Khashoggi.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines