Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

ONLF Oo Sheegay In Ciidamada ka Fadhiya Saldhigooda Eritrea kusoo Noqonayaan Ethiopia.



Mon 19 November 2018.

Ururuka ONLF ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan jabhadda oo saldhiggoodu ahaa dalka Eritrea ay toddobaadkan dib ugu soo laaban doonaan dalka Itoobiya.

Af-hayeenka ONLF Cabdulqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa sheegay inay madaxda Jabhada ONLF ay 29 bishan kasoo degayaan Adis ababa isla 30ka bishana ay tagayaan magaalada Jigjiga, iyagoo safaro kusoo maro doona deegaanada kale ee ismaamulka.

Ciidamadan ayaa soo gaari doonaa gobolka ismaamulka Soomaalida gaar ahaan magaalada Jigjiga, waxaana uu Hirmooge sheegay inay ciidamada ONLF lagu qaramayn doono ciidamada Itoobiya.

Dhinaca kale Afhayen ONLF ayaa sheegay in colaaddii dhowaan ka dhacday magaalada Mooyaale ay kala hadleen dawladda federaalka Itoobiya iyo maamulka Oromada, isagoo sheegay in loo saaray gudiyo isku dhaf ah oo ka shaqayn doonta xal u helida colaada Oromada iyo Somalida ee maalmahan denbe ka taagan magaalo xuduuddeedka Mooyaale.

"Arintan soo noqnoqotay ee colaada Oromada iyo Somalida gaar ahaan ta Mooyaale waxaan kala hadlay maxda fadaraalka Itoobiya iyo maamulka Oromada sidoo kale waxaan arintan iska aragnay hogaamiyaha jabhada Oramada oo aanu saaxiibo nahay waxaana u sheegay in arintan ay ku tuhmayaan Oromada maadaama maant ay hayaan kursiga ugu sareeya dalka Itoobiya, waxayna dhamaantood noo balan qaadeen inay si deg deg ah wax uga qabanayaan Colaadaasi.



34 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines