Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Kenya Oo Markii Ugu Horaysay Taariikhda Yeelatay Ciidammada Badda.



Mon 19 November 2018.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisa uu markii ugu horaysay  yeeshay ciidammo cusub e badda, kuwaasoo la socon doono dhaqdhaqaaqyada howlaha ammaanka badda.

Madaxweyne  Uhuru oo ku sugnaa munaasabad ka dhacday agagaarka badda Mombasa ayaa ciidamada cusub ku amray inay soo qabtaan doomaha shisheeye ee sida sharci darrada uga kalluumaysanayo badda Kenya.

Ciidammadan badda ee Kenya yeelatay ayaa waxa sannadka kasta ku baxi doona qarash gaarayo 10 Milyan doolaar, iyagoo ka hortaggi doona badeecadaha sharci darrada ah,daroogada iyo kalluumaysiga sharci darrada ah.

Sidoo kale Kalluumaysatada Kenya ayaa in muddo ah ka cabanayay tacaddiyo ay kala kulmaan ciidammada Uganda ee ku sugan harada Victoria gaar ahaan dhul lagu muransan yahay.

Sikastaba ha ahaatee ammaanka xeebaha Kenya ayaa waxaa inta badan ilaalin jiray  ciidammada militariga ee loo tabbabaray, balse hadda waxay diiradda saari doonaan arrimaha ammaanka iyo militariga maadama dalkaasi uu yeeshay ciidammo u gaar ah ilaalinta biyaha bada.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines