Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Wasiiro Tiro Badan Oo Burco Isugu Tagay Si Ay Ugu Qaban Qaabiyaan soo Dhawaynta Muuse Biixi.



Mon 19 November 2018.

Waxay ahayd maalintii shalay markii uu Madaxwaynaha Somaliland usoo kicitimay gobolada bariga Somaliland iyadoo lagu soo dhaweeyay Gobolka Saaxil ee Berbera Oo Ku Suganyahay maalintii labaad.

Madaxwaynaha Ayaa Kusoo Wajahan Gobolka Togdheer Maalinta Beri Ah, ma muuqato udiyaar garaw balaadhan oo laga dareemayo gobolka Togdheer.

Qaban qaabada iyo soo dhawaynta madaxwaynaha oo looga bartay bulshada Burco, ayaa u muuqata kala daadsanaan iyo inaanay shacabku dhaadsanayn imaanshaha madaxwaynaha.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maanta soo gaadhay gobolka Togdheer isagoo xafiiska badhasaabka kulano kula qaatay madaxda dawlada, odayaasha ,iyo dhalinyarada si loo dardar galiyo soo dhawaynta Madaxwaynaha oo ah safarkiisii ugu horeeyey ee uu Muuse Biixi Ku Yimaado Gobolka Togdheer tan iyo intii la doortay.

Arrintan ayaa laga saadalin kara niyad jabka ay shacabku ka mujiyeen gaar ahaan Rer Burco Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Geesta kale Badhasaabka Togdheer Xamse Cadaw Yuurura ayaa u muuqda isna mid ku haftay mawjadaha gobolka ka aloosan.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines