Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Mudaharaad Looga soo Horjeedo Ganacsatada India iyo Pakistaan Oo Gil-gilay Uganda.



Sun 18 November 2018.

Mudaharaad xoogan oo looga soo horjeedo ganacsatada kasoo jeeda dalalka India iyo Pakistaan ayaa maanta gilgilay magaalada Lira ee waqooyiga dalka Uganda, kaddib markii dad cadhaysan ay weeraraan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee dadkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay sadax qof ku dhaawacmeen rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa oo lagu ridayay dadkaasi si loo kala eryo, iyadoo ay dawladu wadooyinka soo dhoobtay ciidammada milateriga iyo booliska si ay uga hortagaan  dadka isku soo oo dhagaxaan tuurayay islamarkaasina gubaya oo dhacna u geysanaya Hindida iyo Pakistaaniyiinta.


Dibadbaxyada ayaa bilowday wax yar kaddib markii tacsi loo dhigay Dickens Okello oo  ah wiil 11 jir ah,  kaasoo laba nin oo Hindi ah ay toddobaadkii hore ku dileen halkaasi.

Afhayeenka booliiska Uganda ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka Aasiya ka soo jeeda ay magangalyo u aadeen saldhigga booliiska, iyadoo xoogagga ammaanka ay ilaalinayaan waddooyinka si ay ammaanka u sugaan.

Booliiska Uganda ayaa xabsiga u taxaabay Labo nin oo Hindiya kuwaasoo ku eedeysnaa dilka wiilka yar, waxayna sugayaan in maxkamad la soo taago.
Sidoo kale daka cadhaysan ayaa booliiska ku eedeeyay inaysan waxba ka qabanin dilka loo gaysto dadka u dhashay dalka, islamarkaana aysna baaritaan ku sameynin, iyagoo aaminsan inay dadka ajaanibka ah ay daryeel gaara ka helaan dowladda.

Sikastaba ha ahaatee magaalada Lira ayaa waxaa ku nool in ka badan 300 oo isugu jira Hindi iyo Pakistaaniyiin, kuwaasoo aan dadka Uganda xiriir  wanaagsan la lahayn, sababo la xiriira in dadka qaaradda Aasiya ka soo jeeda ay si xun ula dhaqmaan bulshada dalkaasi.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines