Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo ka Wada Hadlay Arrimaha Gobolka.(Sawirro)



Sun 18 November 2018.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, ayaa waxa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xaaladda geeska Afrika, xiriirka Itoobiya iyo Jabuuti, cunaqabateyntii dhowaan laga qaaday Eritrea.

Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea.

Qodobada kale ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah sidii Itoobiya kaalin uga qaadan lahayd dib u soo celinta xiriirka Eritrea iyo Jabuuti iyo xalinta muranka dhinaca xadka ah ee labada dhinac u dhexeeya.

“Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Workneh.

Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea.



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines