Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Gaas Oo kala Diray Golihii Deegaanka Degmada Gaalkacyo, Duq Cusub-na U Magacaabay.



Sat 17 November 2018.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu diray Golahii deegaanka degmada Gaalkacyo.

Digreegtada madaxweynaha oo ku taariikhaysanyd 17 bishan oo maanta ah ayaa loo cuskuday kadib talo soo jeedin ka timid wasaarada arimaha gudaha,dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isla digreetada ku magacaabay gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha deegaanka Gaalkacyo iyo ku xigeenkiisa cusub waxaana gudoomiye loogu magacaabay nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar halka ku xigeenna loogu magacaabay Maxamed Cabdinaasir Cigaal.

Hadaba digreetada uu madaxweyne Gaas ku kala diray golihii deegaanka degmada Gaalkacyo kuna magacaabay gudoomiye iyo ku xigeen cusub oo ay yeelato Gaalkacgo ayaa u qornayd sidatan:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Matkuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii
socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta
Wasaaradda Arrimaha
Gudahada, Dowladdaha
Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa Yaasiin Cabdisemed Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu
Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay
Madaxweynuhu.



29 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines