Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Mareykanka Ee Somaliya.(Sawiro)



Sat 17 November 2018.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay xarunta Xalane oo ku taal xeyndaabka sida weyn loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaja Muqdisho, halkaasoo wada hadalo kula qaatay Amb. Donald Yamamoto.

Barta Twitterka ee Villa Somalia ayaa la soo dhigay qoraal kooban iyo sawirada Madaxweynaha oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya Donald Yamamoto.

Inta badan Diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa loo ogoleyn inay soo dhaafaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, waana tan keentay in Madaxweynaha uu ugu tago Xarunta Xalane Amb. Yamamoto, halkii ay aheyd inuu Madaxtooyada ku qaabilo oo uu waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo.

Waa markii u horeysay Madaxweyne Soomaaliyeed oo waraaqo aqoonsi uu Safaarad dhexdeeda uu waraaqo aqoonsi kaga guddoomay Safiir dal kale dal wakiil ah

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye ayaa sanadkii 2016 waraaqaha aqoonsiga waxaa uu safaaradda Mareykanka ee Xalane kaga guddoomay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliy Micheal Schwartz oo sanadki hore is casilay.



25 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines