Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Al Shabaab Oo la Sheegay In 20 Doolar Oo Laaluush ah Kaga Gudbaan Xadka Kenya.



Sat 17 November 2018.

Warbixin ay daabacday Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska Kenya ee ku sugan xadka  ay la wadaagto dalka Soomaaiya ay u oggolaadaan dagaalamayaasha Al-Shabaab inay gudaha u galaan dalka Kenya kadib markii ay lacag laaluush ah ka qaataan.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa si joogta ah waxa ay  uga qaataan lacag laaluush ah oo gaareysa labaatan dollar maleeshiyaad Al-Shabaab iyagoo u oggolaada inay u gudbaan dalka Kenya ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Warbixintan oo ka mid ahayd warbixin sanadkan 2018 ay soo saareen guddiga kormeerka dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa daaha ka rogtay sida maleeshiyaadka Al-Shabaab ugu fududaatay inay si sahlan ugaga gudbaan xadka uu dalka Kenya la wadaago dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerar laga hortagay oo ay Al-shabaab ku doonayeen inay ku qaadaan xarumo muhiim ah oo ku yaal magaalada Nairobi  ay raggii qorsheynayay ay shan jeer ka soo gudbayeen muddo ku simana saddex bilood xadka iyagoo soo galayay dalka Kenya marka ay doonaana dib ugu laabanayay dalka Soomaaliya waxayna raggan ay marwalba siinayeen lacag laaluush dhan labaatan dollar ay siinayeen ilaalada xadka joogta.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in afar ka mid ah shan qori oo ay ku qabteen ciidamada kahortagga argagaxisada dalka Kenya magaalada Nairobi ay afar ka mid ah ahaayeen hub ay dowlada Soomaaliya soo iibsatay sanadkii 2013kii kadib markii laga qafiifiyay cunoqabataynta hubka ee saarneyd.

 



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines