Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Banaan-bax Lagu Taageerayay Mukhtaar Roobow Oo Awood Lagu kala Eryay (Sawirro)



Thu 15 November 2018.

Ciidamada booliiska magaalada Baydhabo ayaa maanta xoog ku joojiyay banaan bax lagu taageerayay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dad badan oo taageersan Musharax Abuu Mansuur ayaa maanta isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baydhabo, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen ereyo lagu taageerayay Musharax Abuu Mnasuur.

Ciidamada booliiska ayaa markii dambe kala eryay dadkii dhigayay banaan baxa lagu taageerayay Abuu Mansuur, waxa ayna dadka dibad baxa dhigayay ka codsanayeen Xildhibaanada Koonfur Galbeed in codkoosa siiyaan Abuu Mansuur.

Taliska ciidanka booliiska gobolka Baay ayaa horey u mamnuucay in la dhigo banaan baxyo lagu taageerayo Musharaxiinta, waxa ayna booliiska Shacabka uga digeen in ay abaabulaan banaan baxyo lagu taageerao Misharaxiina Madaxweyne.



24 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines