Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Wasiirka Gaashaan-dhiga Israa’iil Oo Is-casilay Kadib Marii Uu ka Cadhooday Heshiiska Xabad Joojinta Gaza.



Wed 14 November 2018.

Wasiirka gaashaandhiga ee dawlada Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu ka cadhooday heshiiska xabad joojinta ee maanta ka dhaqan galay marinka Gaza.

Wasiir Avigdor Lieberman ayaa ka horyimid go’aanka ay  golaha wasiirada Israa’iil ku  aqbalaan heshiis xabad joojin ah, kaasoo lagu soo afjarayo dagaalka laba maalmood socday ee u dhexeeyo Israa’iil iyo ururka Xamaas.

Wasiira difaaca ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in la isku dhiibay argagixisada Gaza, isgoo ku hanjabay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda, hadii aan laga noqon heshiiska xabad joojinta ee ay gadhwadeenka ka tahay Xukuumada Masar.

Sikastaba ha ahaatee siddeed qof ayaa ku dhintay dagaalka labadii maalmood eeugu denbeeyay ka socday Gaza, iyadoo diyaaradaha Israa’iil ay duqayn ka wadeen halkaasi halka ururka Xamaas ay gantaallo ka badan 400 ay u rideen dhinaca Israa’iil.

 



33 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines