Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Khasaare ka Dhashay Dab Qabsaday Qeybta Keydka Hadalka Ee Radio Muqdisho.



Mon 12 November 2018.

Wararka laga helayo xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Dab uu ka kacay qeybta Keydka Hadalka Radio Muqdisho, kaasoo la sheegay in khasaare gaarsiiyay.

Dabka ayaa ka dhashay cilad koronto, waxaana uu kacay maanta barqadii abaarihii 10-kii subaxnimo, waxaa la sheegayaa in muddo kaddib lagu guuleystay in la damiyo.

Gaadiidka Dab damiska Gobolka Banaadir oo gaaray xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka qeyb qaatay daminta dabka.

Waxaa jira Khasaare soo gaaray Keydka Hadalka ee Radio Muqdisho, Waxaana Wasaaradda Warfaafinta ay sheegtay in ay waddo Baaritaano ku aadan Baaxadda Khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Radio Muqdisho ayaa ah meelaha kaliya ee uu yaallo keydka qaranka, waxaana ay tahay meelaha ka badbaaday burburkii dowladdii dhexe.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines