Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Qoomiyada Oromada Oo Shan Qof Oo Somali ah ku Dishay Magaalada Harar Ee Dalka Itoobiya.



Sat 18 August 2018.

Wararka ka imaanaya Magaalada Harar ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in koox hubaysan oo Oromo ah ay dileen shan qof oo Soomaali ah iyada oo sidoo kale ay dhaawaceen laba kale.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in koox hubasan ay qabteen dadkaan islamarkaana ay Madaxa ka wada toogteen saddex ka mid ah dadka la dilay ayaa la sheegay in dhowaan laga soo siidaayay Xabsiga loo yaqaanno “Jeel-ogaadeen” kadib Markii Ra’iisulwasaare Abiy uu amar ku bixiyay in la siidaayo dadka ku xiran xabsiyada Maamulka Soomaalida Itoobiya.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada wada-dega Itoobiya ayaa ah mid Maalimba Maalinta ka dambeyso sii xumanaaysa iyadoo salka ku haysa arimo degaan.

Deegaannada ay ka kala arimiyaan labadaan Qowmiyadood ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka iyada oo weli aysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaaday Dowladda dhexe ee Itoobiya .

Oromada Itoobiya ayaa horay waxaa ay u dileen dad badan oo Soomaali ah iyaga oo sheegaya in ay u aar gudayaan Oromo lagu dilay deegaannada Soomaalida.

Weli may dhicin iany dowladu xalka keento kacdoon kaan galaaftay dad badan oo ku dhintay iyo kuwo ku barakacay deegaanadii ay deganaayeen maadama colaadii ay saamaysay arintaan weli dowladu wax muuqda kamay qaban waxaana moodaa inay daawanayso dowlada dhexe .



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines