Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Madaxweyne Farmaajo Oo ka Hadlay Doorashadda Imran Khan-ka Pakistan.



Sat 18 August 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Pakistaan Imran Khan.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Pakistaan, islamarkaana ay u shaqeyn doonaan si wadajir ah.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Pakistani Imran Khan guushiis maanta,Pakistan waa dal dimoqraadii ah oo fulin kara kartida weyn ee faa’iidada dadka. Soomaaliya waxay si dhow ula shaqeyn doontaa dowladda Pakistan dhammaan dhinacyada kala duwan ee wax is dhaafsiga leh”. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Imran Khan ayaa hogaamin jiray kooxda Kiriket (cricket) ah oo dalkiisa u ciyaareysay ciyaarihii Adduunka sanadii 1992, wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu dadaal ugu jiray sidii uu siyaasadda ugu biiri lahaa, waxa uuna 1996 ku biiray siyaaasadda.



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines