Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

Maxkamada Swedan Oo Magdhaw U Xakuntay Gabadh Muslim ah Oo Diiday Inay Gacan Qaaddo Nin Ajanabi ka ah.



Thu 16 August 2018.

Maxkada dalka Swedan ayaa magdhaw u xakuntay Gabadh muslim ah oo diiday in ay gacan qaaddo ninkii ka qaadayay imitixaanka ay shaqo u galaysay,iyadoo wadnaheeda gacanta saartay halkii ay gacanta ka salaami lahayd.

Farah Alhajeh, waa 24 jir, u dhalatay dalkaasi Swedan waxa ay codsanaysay shaqo tarjumaanimo, waxayna diiday in ay gacan qaaddo nin imtixaanka shaqada qaadayey sababo la xiriira diinteeda,sidaa darteedna looga joojiyo imtixaankii ay u galaysay shaqada.

Maxkamadda shaqaalaha ee Sweden ayaa xukuntay in sharikaddaas ay ku kacday fal faquuq ah oo kadhan ah gabadhaas. Waxaana lagu ganaaxay in ay sharikaddaasi bixiso lacag dhan $4,350 oo magdhow ah.

Muslimiinta qaar ayaa ka dhawrsada in ay salaamaan ama ay taabtaan jinsiga kale ee lidka ku ah, marka laga reebo qoyskooda hoose.

Si kastaba ha ahaatee waddamada Yurub qaarkood gacan qaadka ama salaantu waxay ka tahay dhaqan, Sharciyada kadhanka ah faquuqa ayaa u diidi kara sharikadaha iyo hay'adaha guud in ay dadka ula dhaqmaan si gooni ah Jinsigooda dartiis.

Xafiiska Sweden u qaabilsan baaritaanada ku aaddan faquuqa, kaas oo matalayey Ms Alhajeh oo 24 jir ah, ayaa sheegay in xukunka lagu saleeyey " danaha qofka shaqada leh, xaqa qofku uu u leeyahay in uu dhowrsanaado, iyo muhimadda ay dawladda u leedahay ilaalinta xorriyadda diinta"



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines