Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

22 Caruur Arday ah Oo ku Dhintay Doon ay kaga Talaabayeen Daad Xidhay Iskoolkooda Oo ku Yaala Suudaan.



Wed 15 August 2018.

Ugu yaraan 22 caruur ah iyo macalinkoodii ayaa ku dhintay doontii ay saaraanaayeen oo ku degtay waqooyiga Sudan,waqti ay ku sii jeedeen Iskoolka.

In kabadan 40 caruur ayaa saarnaa doonta, taas oo matoorkeeda u adkeeysan waayay mowjadaha hirka oo gaaray ilaa 2.5 oo kilomitir,iyadoo ilaa iyo haatan la la,yahay qaar ka mid ah maydadka caruurta.

Caruurta oo ay da'doodu u dhaxeeysay toddobo ilaa 16 sano jir, ayaa bilaabay in aad u baqdaan markii uu mowjadda hirka aad u kacday waxayna isugu tageen hal dhinac kadibna doonta sidaasi ayay ku gadoontay, sida uu sheegay maamulaha Iskoolkooda.

Ab el-Khayr Adam Yunis oo ah maamulaha dugsida sare ee Kenba ayaa sheegay in caruurta ay inta abdan Iskoolka lug ku iman jireen, balse ay toddobaadkii la soo dhaafay ay isticmaalayeen doonta sabatoo ah waxaa magaalada ka jiray daadad ay sababbeen roobab lixaad leh oo halkaasi ka da'y, isagoo intaasi ku daray inay caruurta dhimatay ay u badnaayeen gabdho.

Hal qoys oo kaliya ayay waxaa ka dhimatay shan gabdhood, halka laba qoys oo kale oo midkiiba ka dimatay 3 caruur ah,sidoo kale saddex qoys ayaa iyaguna ku waayay dhacdadaasi min 2 caruur ah.

Khadka telefoonka ayaa aad u xumaa sabatoo ah waxaa da'ayay roob mihiigaan ah taasi oo maamulaha ku adakaysay in uu dhaqso u soo sheego shilkan, balse isla markii uu khadka teleefoonada ay furmeen waxa ay la xiriireen dhamaan magaalooyinka waweyn, sida Abu Hamad, Karima iyo Ed-Damer balse waxa ay cawinaad sugayeen muddo shan saacadood ah.



62 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines